Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000072395.jpg?resize=1000%2C947&ssl=1

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah Jubaland, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo u tagay, si uu wadahadal ula yeesho madaxweynaha Jubaland, wadahadalkaas oo ay garwadeen ka yihiin dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland ayaa gaaray markii hore in madaxda dowladda federaalku ay si cad u sheegeen in aanay aqoonsaneyn doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe ee markii saddexaad lagu doortay, kadibna waxaa xigay waaranno la isku jaray iyo hadallo ad-adag oo hawada la isku marinayay.

Sidoo kale waxaa jirtay dagaallo dhiig badan ku daateen oo dowladda federaalka iyo Jubaland ku dhexmaray magaalooyin ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmo ka hor Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay tanaasul, si loo qanciyo siyaasiinta iyo hoggaamiyaasha tabashada qaba, isla markaana loo helo midnimo iyo wadajir qaran.

Kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ee Kismaayo ayaa ku soo aaday xilli ay maalmo ka hor heshiis dhowr qodob ka kooban Nairobi ku gaareen Jubaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this