Deeq A. Posted yesterday at 10:02 AM Jubaland ayaa ka hadashay shirkii natiijo la’aanta ku dhammaaday ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ku yeesheen magaalada Kismaamo. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wadahadal iyo in loo midoobo ajendayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro”. Jubaland ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowladda Kenya oo garwadeen ka ahayd wadahadallada fashilmay ee ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Jubbaland. “Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada. PUNTLND POST The post Jubaland oo u mahadcelisay dowladda Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites