Deeq A. Posted 6 hours ago New York (Caasimada Online) – Is-mari-waagii ka taagnaa maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa weli ka sii jira magaalada New York, taasoo shaki weyn gelinaysa mustaqbalka hawlgalkaasi. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ka sheegay Kulan Heer Sare ah oo ku saabsanaa Maalgelinta AUSSOM, oo ka dhinac qabsoomay Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA80), in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid jilicsan. Maleeshiyada al-Shabaab waxay weli sii wadaan inay qalalaase abuuraan, iyagoo khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida, taasoo ah culays uu sheegay inuusan dalku keligii xamili karin. Youssouf wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu labalaabay deeqdii uu ku bixinayay Sanduuqa Nabadda, haddana uu Hawlgalka AUSSOM weli wajahayo hoos u dhac dhanka miisaaniyadda ah oo gaaraya $180 milyan oo doollar. “Midowga Afrika wuxuu horey u labalaabay deeqdiisii Sanduuqa Nabadda, isagoo gaarsiiyay $20 milyan oo doollar, taasoo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay arrintan. Hase yeeshee, haddii aan la helin maalgelin degdeg ah, la isku halleyn karo, oo joogto ah, guulihii dhibka lagu gaaray waxay halis ugu jiraan inay meesha ka baxaan,” ayuu ka digay. Isagoo qiraya waxa uu ku tilmaamay “daal dhinaca maalgelinta ah” oo ka jira dhinaca saaxiibada reer Galbeedka ee dhaqanka u ahaa taageerada, ayuu Youssouf sheegay in hawlgalka AUSSOM uusan ahayn mid furan oo aan lahayn waqti go’an. “Haddii la helo taageero ku filan, waxaa la soo gebagebeyn karaa marxaladdii ku-tiirsanaanta, waxaana la guda geli karaa waa cusub oo madaxbannaani, xasillooni iyo barwaaqo leh,” ayuu yiri, isagoo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo saaxiibada kaleba ugu baaqay inay la jaanqaadaan go’aanka adag ee Afrika. Ra’iisul Wasaaraha Sare ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa isna ku celiyay baaqaas, wuxuuna ka digay in farqiga sii ballaaranaya ee maalgelinta uu khatar weyn ku yahay hawlgalka AUSSOM, oo xil-gudashadiisu ay ku eg tahay bisha Diseembar. Wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dardargeliyo hirgelinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2719, gaar ahaan iyadoo la marayo qaab maaliyadeed oo isku-dhafan oo ku tiirsan qoondooyinka ay Qaramada Midoobay u goyso xubnaha. “Qaab-dhismeedka noocan oo kale ah waa inuu noqdaa mid dhammaystiran, oo daboolaya gunnooyinka ciidamada, saadka, dhaqdhaqaaqa, iyo shuruudaha guud ee hawlgelinta, si loo damaanad qaado hufnaan iyo waxtar. Hubanti la’aanta maaliyadeed waxay wiiqaysaa diyaargarowga hawlgalka, waxay dhiirigelinaysaa kooxaha mayalka adag, waxayna halis gelinaysaa inay meesha ka saarto guulihii dhibka lagu gaaray ee ku yimid sannado badan oo naf-hurnimo iyo isgarab-istaag ah,” ayuu yiri Mudavadi. Qaraarka 2719 wuxuu bixiyaa qaab-dhismeed lagu maalgaliyo hawlgallada nabad-ilaalinta ee uu hoggaamiyo Midowga Afrika, balse ku dabaqiddiisa AUSSOM ayaa weli ah mid lagu muransan yahay. Iyadoo Midowga Afrika iyo dhowr xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay taageersan yihiin in la adeegsado, ayaa haddana dowladda Mareykanku waxay ka soo horjeesatay in lagu dabaqo AUSSOM, iyadoo ka duulaysa walaac ay ka qabto isku-dheellitirka culeyska maaliyadeed. Mudavadi ayaa qiray in arrimuhu ay isku murugsan yihiin, balse wuxuu ku baaqay in la sameeyo tanaasul: “Kenya waxaa si adag uga go’an hawlgalkan, waxaana Soomaaliya ka jooga ilaa 3,000 oo ka tirsan ciidankeena geesiyaasha ah, kuwaasoo garab istaagaya walaalaheenna Soomaalida ah si loo helo gobol nabad ah oo ammaan ah.” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carrabka ku adkeeyay in guusha hawlgalka AUSSOM aysan ahayn oo keliya mid ahmiyad u leh Soomaaliya, balse ay sidoo kale muhiimad weyn u leedahay amniga gobolka iyo kan adduunka. Dhanka kale, dowladda UK ayaa ballanqaadday £16.5 milyan oo gini ($22 milyan oo doollar) oo ay ku taageerayso hawlgallada AUSSOM ee sanadka 2025, halka waddamada Italy, Japan, Korea, iyo Spain ay iyaguna ku dhawaaqeen deeqo cusub ama kuwo soo socda. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu mustaqbalka dhow shaaca ka qaadi doono taageero gaar ah oo uu siinayo qeybta militari ee hawlgalka. Share this post Link to post Share on other sites