Sign in to follow this  
Abwaan

DOWLADII C/LLAAHI YUUSUF OO CEYRINEYSA CIDDII AAN ADEECSANEYN!! -BAARLAMAAN..........

Recommended Posts

Abwaan   

DOWLADII C/LLAAHI YUUSUF OO CEYRINEYSA CIDDII AAN ADEECSANEYN!! -BAARLAMAAN WADA MUXAAFID AH MACQUUL MAKULA YAHAY?

 

 

Shimbirayahow heesa..hees wanaagsan heesaha ..kaalaya horteydoo shimbirayahow heesa…hadii sidaas lagu heesay bilowgii lixdameeyadii oo waagaas baarlamaankii jiray lagu xantay inay sidii uu rabo hoggaamiyaha dowlada wax ugu sharciyeeyaan makula tahay in maanta sidaasi socon karto..?

Dowladda uu madaxda ka yahay Cabdullaahi yuusuf bilowgiiba ma ahayn mid soomaalida u cuntantay, maxaa yeelay madaxweynaha ayaan ahayn nin ay soomaalidu jeceshahay..madaxda kale ee maamulka kula jirtana intooda badan looma arkin dad rabitaanka beelahooda ku yimid oo waxaa la xasuustaa sida ay itoobiya u maamuleysay shirkii ay madaxdani kasoo baxeen. Min madax ilaa mijo, dadka maamulka ku jiraahi waa kuwo ay Itoobiya mar hore meel ku xiratay, maxaan sidaas u leeyahay?

 

Intiina xasuusata madaxdii lagu soo magacaabay Mbagathi, kenya, marka laga reebo shariif xasan sheekh Aadan, intooda ugu muhiimsan waxay ahaayeen dagaal-oogayaashii xubnaha ka ahaa golihii SRRC oo sanadkii 2000 ay dowlada itoobiya ku dhistay magaalada bariga dalkeeda ku taala ee AWASA, dadka qaarkii ayaa dood ka qabi kara in Cali max’ed Geedi uusan golahaa xubin ka ahayn laakiin ma moogtahay inuu ku fariistay kursigii max’ed dheere oo golahaas awood weyn ku dhex lahaa?.

 

U fiirso madaxweyne Yuusuf, Ra’iisul wasaare Geeddi (booski max’ed dheere), Sheekh Aadan Madoobe, Max’ed Cumar Dalxa, Xuseen Caydiid, Abdullaahi Sheekh Ismaaciil, Xasan max’ed Nuur (shaatigaduud), Muuse suudi (inkastoo uu markaas ku kacsanaa itoobiya),Hilowle Imaam Cumar, Cabdirisaaq ***** biixi, Max’ed Ibraahim Xaabsade, Mowliid Macaane Max’uud, Jeneraal Gabyowgii geeriyooday (wiilkiisa ayaa hadda booskiisii ku jira), Jeneraal Morgan oo inkastoo uusan xubin ka ahayn dowladda hadana la taliye u ah Madaxweyne yuusuf, Salaad Cali jeelle (oo markaas ku xigeen u ahaa max’ed dheere) iyo kuwo kale oo fara badan ayaa maanta ah madaxda ugu sareysa,mudanayaal ama wasiiro laga talo galiyo howsha ay dowladdu qabaneyso.

 

Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis yiraahdaan waxaa jira xubno kale oo aan Golahaas ka mid ahayn kana tirsan madaxda sare ee dowladda sida Wasiirada Arrimaha gudaha iyo ganacsiga Gacmadheere iyo Afrax, mase ogtahay in Raggani ay Garoowe ugu tageen Cabdulaahi yuusuf xilligii uu madaxda ka ahaa Puntland ee shirkii Eldoret laysku diyaarinayey markaasoo sida dad xog-ogaal ahi sheegeen laguba daray liiska baarlamaanka ka hor intii aanba shirka la tagin.

 

Hadda waxay arrintu u egtahay in aas aasayaashii ururkii SRRC ay isugu soo miirmayaan maamulkii Somali oo dhan ka dhaxeeyey ka dib markii howsha laga talo-galin waayey intii kale ee aan ururkaas ku abtirsan. Shalay waxaa mar qura la shaaciyey in xubinnimadii baarlamaanka laga xaayuubiyey xubnihii mucaaradka ahaa oo dhan, maxaa yeelay waxay diideen inay u hogaansamaan amarka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa. Waxaa xusid mudan in xubnahan la eryey ay badankoodu yihiin kuwii ka tirsanaa dowladii Carta ee C/qaasim madaxda ka ahaa, kooxdaasoo ahayd tii Golaha SRRC kula loolameysay shirkii Kenya ka dhacay.

 

Wixii shalay Baydhabo kasoo yeeray oo shaki la’aan ah go’aanka Cabdulaahi yuusuf waxay marqaati cad u tahay inuusan jirin hadda iyo wixii ka dambeeya baarlamaan Soomaaliyeed oo la aamini karo mar haddii ay isugu soo hareen intii uu isagu rabay oo amarkiisa u hogaansan iyo inkaloo ka cabsaneysa in Baarlamaanka laga saaro haddii ay awoodooda sharci adeegsadaan.

 

Waxayna tani maalin madow u tahay shacabka Soomaaliyeed oo filayey inuu Baarlamaanku noqdo hey’adda kontaroosha Xukuumadda oo kula xisaabtanka qaladka ay gasho inkastoo wixii ka dambeeyey faragalintii milatari ee Itoobiya Baarlamaanku ahaa mid cabursan oo aan qaadan karin go’aan xukuumadda ka dhan ah waxaana la sheegaa inay mudanayaashu amaankooda u baqayaan, haddii aad howsha Baarlamaanka u fiirsatay muddooyinkii dambana maba jirin wax awood ah oo ay lahaayeen, Madaxweynaha iyo Ras’iisul wasaarihiisuna howsha sida rabaan ayey ku wadeen.

 

Waddanka ciidan sharci iyo si sharci ahba kusoo galay ayaa yimid mana jirin wax talo ah oo laga siiyey Baarlamaanka, tusaale howsha ay qabanayaan cidi kalama tashan..muddada ay joogayaan cidi kama wareysan lagamana warsan doono hadda ka dib. Dhibaatada ay tusaale ahaan ciidanka Itoobiya ka geysteen Xamar hay’addii xukuumada kula xisaabtami lahayd waa Baarlamaanka oo inta Baydhabo joogta aysanba ka hadli karin iska daa inay go’aamo ka qaataane. Baarlamaanada aan Mucaaradka lahayn ee maanta Dowladaha aduunka qaarkood leeyihiin waxay ka jiraan dalalka ay kaligood-taliyayaashu xukumaan, mase fileynin in Soomaliyana ay maanta kuwaas ka mid noqoto.

 

Mudane kasta oo ka tirsan Baarlamaanku wuxuu dabcan ka socdaa Beeshiisha mana jirto ilaa hadda beel intay isku timid go’aan ku gaartay in mudanahooda la eryo, mana jiro qof ama koox kale oo awood u leh inay mudane beelu meesha keensatay ka erido. Maxaa dhici kara hadaba hadii dhaqankan kalitalisnimadu sharciyoobo..dadka soomaaliduse ma aqbali karaan..? maya ..maya ma ahan wax u cuntami kara in Baarlamaankooda laga sifeeyo intii wax sixi lahayd oo dhan..Baarlamaan wada muxaafid ah!!!!!!!.

 

Dadka Soomaaliyeed waxay sugayeen inay arkaan Madaxweyne Yuusuf ama Ra’iisul wasaare Geeddi oo sidii Tony Blair ka Ingiriiska lagu orinayo markuu isku dayo inuu socodsiisto wax xukuumadiisa dan gaar ahi ugu jirto ama Madaxweyne Bush oo Congress ku ugu hanjabayo inuu miisaaniyada ku baxda howlgalka Ciraaq ka jari doono.

 

Ugu dambeyntii natiijada ka dhalan karta eryidda aan sharciga waafaqsaneyn ee ay Dowladda Cabdulaahi yuusuf ku dhawaaqday ayaa ah mid khatarteeda xambaarsan oo keeni karta in beeluhu kalsoonida kala laabtaan dowladda aan haddaba dadka soomaaliyeed intiisa badan taageerada ka heysan oo walibana la arko beelo u diyaar ah inay dowladda la dagaalamaan sida haddaba ka socota magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo isha lagu hayaa sida maalgaliyaha ugu weyn ee Dowladda kmg oo ah midowga Yurub uu ka yeeli doono sii gacanqabashadeeda marhadii howshu isku rogtay in dowladda dhaxdeeda laga sifeeyo wixii mucaarad ah ee wax sixi lahaa iyadoo la ogyahay in Midowga yurub uusan horeyba ula dhicin talaabadii koowaad ee xilkii looga qaaday Shariif Xasan Sh.Aadan.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo howshan Aabe iyo hooyo u ah ayaa dadka dhaliilaa ku sheegaan inuu yahay nin qabyaaladda iyo nin jecleysigu astaan u yihiin misana aan aqoon u lahayn nidaamka dowliga ah iyo siyaasadii lagu hagi lahaa kuna dhaqmaya nidaamkii jabahadnimada. Inuu qabyaalada ku dheereeyo hadii aad shaki ka qabto ku qanac sida uu isugu wareejiyey maamul iyo ciidanba dadka ay jufada hoose isku yihiin amaba uu adeerka u yahay.

 

Inuu yahay nin dalka ku maamuli doona ,hadiiba ay u suuragasho,hab qabiil ha joogte sida ay qoyskiisu rabaana waxaa daliil u ah hadal uu bilooyin ka hor u jeediyey waxgarad ka tirsan Jilibka Sacad ee ********** uguna bishaareyey fariin ay soo dirtay Xaaskiisa oo ahayd ’inaysan Xarunta Madaxtooyada kasoo ag-dhawaan cid aan iyaga ahayn maadaama ay reer abtiyaasheed yihiin’.Caddaalad iyo xukun dadku u simanyahay maka filan kartaa Madaxweynaha isagoon xukun sal-adag ku fadhiya heysan haatan beelaha u sheegaya inuu rabitaanka naagtiisa darteed wax ugu qaban doono..? maa shaa allaah!!! Waxaasaa Madaxweyne kaa ah!!!.

 

Waxaa qoray: Qaasim Cabdulle Nero,

Email: qaasimnero@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this