Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelweynta Habaryoonis Bari Oo Soo Saarey Qodobo La Xidhiidha Nabada Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaanu Si Buuxda U Qaadanay Una Ajiibnay Gogoshii Nabadda Ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) Codka Laysku raacay Guddida qabanqaabada shirka nabadda Ceerigaabo iyaga oo ku guda jira kulmadii beelaha dega degmada Ceerigaabo, ayaa beelweynta Habarjoonis Bari iyo bah-wadaagteedu iska xuleen 61 xubnood oo isugu jira salaadiin (Isamo), cuqaal, waxgarad iyo nin garbood. Fadhigii kowaad ee guddida la saaray ayaa qabsoomay maanta 28 September 2025, waxaana cod gacantaag ah lagu meel mariyey ajande ka koobaan saddex qodob oo kala ah: 1. Waxaa dhammaan laysku raacay in la ajiibo lana qaato nabadda iyo gogosha madaxweyne Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dhigay degmada Ceerigaabo. 2. In beelweynta East Sanaag Clan si nabad iyo derisnimo ku jirto lagula xaalo. 3. In wixii farsamo ah loo saaro guddi koobaan Kulanka waxaa ka muuqday in beelweynta Habaryoonis Bari iyo bahwadaagteedu ay diyaar u yihiin dhib kasta oo la kala tirsanaayo in lagu dhameeyo xal nabadeed. Kulank…

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this