Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku geeriyooday qarax miino

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa ayaa sheegay inuu geeriyooday Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Puntland ee Howlgalka Calmiskaa, ahnaa Taliyihii Guutada Labaad & Ururka Duufaan, Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab “Qalyare”.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in Jeneraalka uu ku dhintay qarax miino oo lala eegtay xilli uu ku guda jiray howlgal amni.

Alle ha u naxariistee, Jeneraal Qalyare ayaa ahaa sarkaal khibrad dheer u leh dhismaha ciidamada, wuxuuna soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay inuu ahaa taliye geesi ah, had iyo jeerna u taagnaa dhismaha ciidamada iyo ilaalinta dowladnimada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this