Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo qorshe xasaasi ah maanta hor-dhigaya Turkey iyo dalalka Khaliijka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
2025-06-16T175931Z_840715807_RC26VDA9P8S

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta u soo bandhigo koox hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah mabaadi’ ku saabsan nabadda iyo maamulka dagaalka kaddib ee Marinka Gaza, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah iyo laba sarkaal oo Carab ah.

Tani waxay noqon doontaa hindisihii ugu cadaa oo la taaban karo ee ilaa hadda ka yimaada Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka. Kulanka waxaa ka qaybgeli doona hoggaamiyeyaal iyo saraakiil sarsare oo ka kala socda dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Jordan, Turkey, Indonesia, iyo Pakistan.

Marka laga soo tago sii deynta la-haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka, waxaa la filayaa in Trump uu ka hadlo mabaadi’da ku xeeran ka bixitaanka Israel ee Gaza iyo maamulka halkaas ka dhalan doona dagaalka kaddib, iyadoo aysan ku lug lahayn Xamaas.

Mareykanku wuxuu sidoo kale doonayaa in dalalka Carabta iyo Muslimiintu ay isku raacaan in ciidamo militari ah loo diro Gaza, taasoo suurtagelinaysa ka bixitaanka Israel, isla markaana lagu xaqiijinayo maalgelin Carbeed iyo mid Muslimiin ah oo lagu maareeyo xilliga kala-guurka iyo dib-u-dhiska marinkaas.

Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto, ayaa Isniintii sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu askar ku daro ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Gaza.

Wadahadalladii heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee sidoo kalena lagu sii daynayo la haystayaasha Israel ayaa maraya meel adag oo hakad uu galay. Dhanka kale, Israel waxay waddaa inay horey ugu dirto saddex qaybood oo ciidan ah, kuwaas oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa lugta, si ay u qabsadaan magaalada Gaza.

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, shir lagu taageerayay xalka labada dal ayaa ku soo idlaaday iyadoo France iyo dhowr waddan oo kale oo Yurub ah ay aqoonsadeen dowlad Falastiini ah.

In ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan dad rayid ah, ayaa lagu dilay duqeymaha Israel ee Gaza tan iyo weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ay ku qaadday Israel, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas.

“Kulanka maanta wuxuu noqon karaa mid aad muhiim u ah. Waxaan haynaa sawir guud oo ku saabsan qaabka lagu soo afjarayo dagaalka. Waxaan dooneynaa inaan soo bandhigno waxa aan u aragno inay tahay waddada keliya ee suurtagalka ah ee horay loogu socon karo, waxaana rabnaa inaan helno aqbalaad iyo taageero heer gobol ah si uu qorshahani u guuleysto,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah.

“Sida aan anagu u fahamnay, Trump wuxuu doonayaa inuu helo aragtideena iyo taageeradeena ku aaddan qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, ka dibna uu horey u sii wado,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Carabta.

Saraakiisha Carabta iyo kuwa Mareykanka ayaa ku adkeystay in qorshahani uu noqon doono mid Mareykan ah, ee uusan ahayn keliya qorshe ay Israel leedahay oo uu soo bandhigayo maamulka Trump.

Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ka warqabo nuxurka guud ee qorshaha, laakiin uu sidoo kale ogyahay inay jiri doonaan qaybo aysan jeclaysan doonin xukuumadda Israel—gaar ahaan marka la eego kaalinta mustaqbalka ee Maamulka Falastiiniyiinta (Fatax) ee Gaza.

“Waxaa jiri doona ‘kiniini qaraar’ oo ay qasab nagu noqon doonto inaan liqno,” ayuu yiri sarkaalka Israa’iiliga ah. Ma cadda in Trump uu sidoo kale ka hadli doono qorshayaasha Gaza khudbaddiisa uu u jeedinayo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo dhici doonta dhowr saacadood ka hor kulanka.

Isniinta soo socota, Netanyahu wuxuu ku imaan doonaa Aqalka Cad kulankiisii afaraad ee uu la yeesho Trump tan iyo bishii Jannaayo. Arrinta Gaza ayaana noqon doonta qodobka ugu muhiimsan ee looga hadlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this