Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo ku sugan Mareykanka oo war cajiib ah ka soo saaray aqoonsiga…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-scaled.jpg

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay aqoonsiga dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dalalka go’aansaday inay aqoonsadaan Falastiin, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid sax ah oo taariikhi ah.

Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay mowqifkeeda ah inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin, kuwaas oo wajahaya go’doomin bani’aadannimo iyo xaalado amni darro oo culus. Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in xal waara oo degdeg ah loo helo dhibaatada ka taagan dhulka Falastiin.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in dhisidda dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, isla markaana ay dammaanad qaadaysay difaaca xuquuqda dadka Falastiin oo dhibaatooyin adag ku jira.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay weligeed taageero la garab taagnayd shacabka Falastiin, ayna kamid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, iyadoo si joogto ah u muujisay taageero ku aaddan dhismaha dowlad madax-bannaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay dhiirrigelinayso dalalka go’aanka taariikhiga ah ku qaatay aqoonsiga Falastiin, taas oo horseedaysa nabad iyo xasillooni gobolka, isla markaana xaqiijinaysa xuquuqda shacabkan muddada dheer la duudsiyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanadkan kamid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku adkaysatay in aan laga aamusin tacaddiyada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin.

Waxay ku baaqday in dadaal wadajir ah lagu bixiyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna noqoto magaalada Qudus.

Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ah.

Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan.

Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin. Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan.

Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.

552788379_1255361123301691_2180278142540

552356994_1255361239968346_9148126678734

553102169_1255361176635019_4623589761688

550643332_1255363486634788_2328867266357

550525938_1255361343301669_8095593433580

552311778_1255363546634782_3399663757650

550287321_1255361293301674_2191808589615

550839118_1255361263301677_6909788223498

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this