Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeneraal Qalyare iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
2025923638942015978204359.webp

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maamul-goboleedka Puntland.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhasaan oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay maleeshiyada kooxda Daacish, waxaana lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidanka difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku dhintay qaraxa oo lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay.

AUN Jeneraal Qalyare ayaa ah sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidanka Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu laabtay difaaca hore oo maanta lagu dilay.

Qaraxa kadib ciidamada ayaa sameeyay howlgal, si ay u baadi goobaan xubnihii Daacish ee ka dambeeyay, kuwaas oo inta badan qaraxyo u aaso kolonyada ciidamada Puntland.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qaa kamid ah ilaaladiisa ee dhintay, iyaga oo ku jiro shaqadooda, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Calmiskaad.

Horay kooxda Daacish ayaa sidaan oo kale u qarxisay ciidanka Puntland, waxaana weerarkii ug dambeeyay uu ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish.

Qaraxaas oo isna ahaa miino ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda.

Kooxda Daacish ayaa marar badan aagga Calmiskaad ka fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Weerarradan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka  dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this