Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin ciidanka cusub ee uu maanta soo bandhigay Qoor-Qoor? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
8888-1.webp

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo cusub oo kamid noqonayo kuwa Daraawiishta maamulkaasi, kuwaas oo  soo dhammeystay tababarkooda.

Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray ayaa bilihii lasoo dhaafay Layli uga socday xero ku taalla magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu maanta madaxweynuhu tegay, kuna soo xiray tababarka.

Munaasabad ka dhacday goobta ayaa ciidamadu waxa ay ku soo bandhigeen dhoolatus la xiriira cashirradii ay barteen ee dhinaca amniga iyo ka hortagga walxaha qarxa.

Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidammada maanta tababarka dhammeystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharradii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhim ah ka qaadanaya sugida amniga, xoreynta deegaannada cadowgu haysto iyo ilaalinta Dowladnimada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan dagaalka lagua jiro Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi oo haatan ay ka socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Galmudug.

Howlgalladii ugu dambeeyay oo ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa jab lagu gaarsiiyay argagaxisada, waxaana kamid ahaa duqeyn shalay ka dhacday deegaanka Nooleye ee gobolkaasi, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 4 xubnood, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlalkaas waxaa ka horreeyay dagaal kale oo dhawaan lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degmada Ceedheer ee isla gobolka Galgaduud.

Khasaaraha dhimashada ee kooxda Al-Shabaab ayaa gaaray illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.

“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale abaal-marisay ciidanka jilibka u dhigay argagixisada ee guusha wayn kasoo hooyay dagaalkii Ceeldheer ee cashirka loogu dhigay Khawaarijta

550593620_1358491055846998_8300761288992 550854154_1358491025847001_4065674067808 550916669_1358491052513665_8254771244067 551100145_1358491049180332_1057547576277 551975340_1358490829180354_6170343748314 552187371_1358491042513666_7856543719265 552764768_1358491065846997_1938299504249 552970641_1358490945847009_1001121075094 553186230_1358490975847006_2791898488700

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this