Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlayaa khudbaddiisa shirka QM? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
550661627_1255737676597369_3737320975686

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka qayb-gelay furitaanka meertada 80-aad ee Golaha Guud ee QM oo ay isugu tageen inta badan xubnaha ku jira golaha.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa sidii loo qaadi lahaa tallaabo wadajir ah oo ku aadan isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, si xal loogu helo.

Waxaa kale shirka looga hadli doonaa xoojinta nabadda, amniga, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha guud.

Sida qorshuhu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, isaga oo kaga hadli doono arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale  madaxweynaha ayaa golaha la wadaagi doono guulaha ay dowladdiisa ku tallaabsatay, gaar ahaan horumarrada laga sameeyay dagaalka lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay doorka Xasan.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha uu ka hadli doono qorshaha dowladdiisa ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo ay haatan isku hayaan dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan Villada Somalia, mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland.

“Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo New York, kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda tageysa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo kala hadli doono danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Si kastaba, hirka ayaa sanadkan kusoo aaday, iyada oo caalamka uu wahayo qataro waa wayn, sida xiisadda bariga dhexe ee kasii dareysa kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka ka socda gobolka ee hormuudka ay u tahay Israel oo weerarradeeda sii laba jibaartay.

550661627_1255737676597369_3737320975686

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this