Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka labada gole ee BF oo qaaday tallaabo la xiriirta Dastuurka + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
551183965_1121210470189587_4206159751906

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha ShacabkaSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta wax ka beddelka dastuurka KMG ah, waxayna soo xireen kulan banbax ah oo xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa uga socday guddiga lasocodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Waxaa kale oo kulanka ka qayb-galay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, habdhowrka, guddoonnada guddiyada dib-u-eegista, xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo sidoo kale guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal.

Ujeedka kulankan oo socday laba cisho ayaa waxaa uu daarnaa dardargelinta howlaha dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurk,  si cutubyada harsan loogu gudbiyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu uga guto waajibaadkiisa shaqo.

Labada guddoomiye oo madasha ka haday ayaa sidoo kale bogaadiyey kuna ammaanay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka shaqada adag ay u hayaan qaranka.

Sidoo kale, waxa ay kula dardaarmeen inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda, si loo dhameystiro wax ka beddelka dastuurka iyo guud ahaan sidii loo dhammeystiri lahaa qodobada harsan.

Dowladda ayaa qorsheynaysa in kalfadhiga 7-aad la meelmariyo wax ka beddelka cutubyada dhiman ee dastuurka KMG ah, iyadoo hay’addaha u qaabilsan dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ay soo gaba-gabeeyen la-tashiyo ku saabsan wax ka beddelka cutubyada 10 ilaa 15 ee Dastuurka, oo ay gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ayey weli taagan tahay dood, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo qaar kamid ah mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.

Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan furmi doono ayaa waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo madaxweynaha JFS oo ka hadli doono arrimo xasaasi ah, sidoo kale dalabaad culus u gudbin doono labada gole oo ay ugu muhiimsan tahay Dastuurka iyo doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa weli dhankooda dood adag la fadhiya bannaanka, waxaana ay kasoo horjeedaan, sida ay wax ku wadaan hoggaanka Villa Soomaaliya.

Si kastaba, Baarlamaanka Federaalka oo muddo xirnaa ayaa furitaankiisa isha lagu wada hayaan, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed, sidoo kale waxaa jira guusha mooshin xildhibaanno ay ka wadaan Xamza.

554079698_1121210316856269_3374240877860 552433547_1121210940189540_3641140954588 551183965_1121210470189587_4206159751906 550887395_1121210363522931_4082278112728 550839720_1121210306856270_8174222713839 550731711_1121210700189564_5650096668871 550778556_1121210843522883_5015637258501 550575700_1121210830189551_4823363456164

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this