Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo soo dhawaysay xeerka ansixinta Hindise-sharciyeedka sumadiisu tahay “H.R. 5300”

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1758373241408-300x181.jpg

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si mug leh u soo dhaweysay ansixinta Hindise-sharciyeedka sumadiisu tahay “H.R. 5300” oo ay Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanku meel mariyeen, kaasi oo kor u qaadaya iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay caawa barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuuna tibaaxay in sharcigaasi uu dawladda Washington ku boorinayo
inay xarun rasmi ah ka furato magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyo in warbixinaha socdaalka Maraykanku u kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo kor u qaadaysa fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee gobolka.

Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay Sharcigani uu ja turjumayo horumar weyn oo la xidhiidha wax wada qabsiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, wuxuuna xusay inuu qaraarkani uu u gudbi doono codbixin buuxda oo Aqalka Wakiillada ah, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo is-dhexgalka shacabka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal ku caan baxay nabad, dimuqraaddiyad iyo xasillooni uu rajaynayo inay yeeshaan xidhiidh xoogeysta dowladda Mareykanka, kaasoo ku salleysan masaalix wadaag iyo aragti ku salleysan amniga iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this