Deeq A. Posted Friday at 03:12 AM Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald J. Trump ayaa hadallo kulul oo dhaleeceyn ah u jeediyay Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, oo asalkeedu yahay Soomaali. Trump oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda gudaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar in ay isku dayayso inay saameyn ku yeelato maamulka dalkaas, ayadoo kasoo jeedo dal uu ku tilmaamay mid aan lahayn nidaam dowladeed oo shaqaynaya. “Waxay ka timi Soomaaliya, iyagu miyay leeyihiin dawlad, Madaxweyne, miyay leeyihiin Booliis? Waa meel aan waxba ka jirin,” ayuu yiri Trump. “Waxayna doonayaan inay noo sheegaan sidaan waddankeena Maraykanka u maamuli lahayn.” Hadalkan ayaa ah mid sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Trump iyo Ilhan Omar, kuwaas oo hore ugu dagaallamay arrimaha socdaalka, siyaasadda arrimaha dibadda, iyo xuquuqda Muslimiinta Mareykanka. Ilhan Omar ayaa hore ugu jawaabtay weerarrada noocan oo kale ah, iyadoo ku tilmaantay hadallada Trump kuwo naceyb iyo takoor ku dhisan oo halis gelin kara bulshada Muslimiinta iyo dadka soo galootiga ah. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites