Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro loo xiray hees ay iska duubeen Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska Galmudug ayaa xiray labo dhalinyaro ah oo caan ka ahaa baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kadib markii lagu eedeeyay in ay aflagaado iyo hadallo anshax xumo ah u jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Booliska ayaa sheegay in Cabdullahi Candulqadir Ciise iyo Falis Cabdullahi Cali loo soo qabtay kadib markii muuqaallo ay kusoo bandhigeen TikTok ay ka careysiyeen hay’adaha ammaanka iyo taageerayaasha dowladda.

Labada eedeysane ayaa lagu soo bandhigay saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo lagu sheegay dacwadaha loo haysto.

Kiiskan ma aha midkii ugu horreeyay ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo TikTok ku hadla ama muuqaallo ku sameeya lagu xirto eedeymo aflagaado madaxda qaranka ah.

Horay ayay booliska ugu xireen Muqdisho iyo deegaanka Gaddoon dhalinyaro kale oo iyaguna loo haystay eedeymo la mid ah, taas oo muujinaysa in dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyadu ay si dhow ula socdaan dhaqanka dhalinyarada baraha bulshada.

Xiritaanka dhalinyaradan ayaa abuuray dood xooggan oo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo xadka uu leeyahay isticmaalka baraha bulshada, iyadoo qaar bulshada ka mid ah ay u arkaan in loo baahan yahay edeb iyo ilaalinta sharciga, halka kuwa kalena ay ku doodaan in la caburinayo xorriyadda muwaadiniinta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this