Sign in to follow this  
Deeq A.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XIDDIG RAMLA CALI GUDOONSIIYEY SHAHAADO SHARAF

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.

Madaxweynuhu ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this