Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo cabsi soo wajahday u baajiyay furitaanka baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg

Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay kadib cabsi soo wajahday madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kalfadhiga Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inuu furmo maalinta berri ah ayaa baaqday, waxaana lagu wadaa in la furo 29-ka bishan September. Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa loo diray farriin lagu wargelinayo in dib u dhacay furitaanka kalfadhiga.

Dib u dhacan ayaa sidoo kale imanaya xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya toos ula hadlay Guddoonka Baarlamaanka, isagoo ka codsaday in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad oo berri furmi lahaa.

Sida uu dhigayo qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, taas oo waajib ka dhigaysa ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys madaxweynaha uga imanaya dhanka xildhibaanada mucaaradka uu soo foodsaaray, taas oo laga cabsi qabo inay Firinbi ku yeeriyaan inta ay socoto hadal jeedintiisa. Tan ayaa loo sababeynayaa koror xad dhaaf ah oo ku yimid tirada xildhibaanada mucaaradka ah oo abaabul xooggan waday maalmahan.

Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu weli jiro guuxa mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo ay kordheen mudaneyaasha wada, lagana cabsi qabo in xildhibaanada kulanka koowaadba ay gudoonka ku wareejiyan liiska xubnaha saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda.

Shir ay shalay isugu yimaadeen in ka badan 50 xildhibaan, ayey isku raaceen in furitaanka baarlamaanka inta khudbada madaxweynuhu socoto ay cod sare kaga hadlaan dhul boobka xargaha goostay ee ka socda magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Xamza ayaa noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu xilka dheeraa, marka dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this