Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo sheegatay weerarkii lagu dilay Cumar Cabdullaahi Ibraahim

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757776847705.jpg?resize=1000%2C9Marxuum Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo toddobaadkii hore Maraykanku ku dilay meel aan ka fogeyn Badhan.

Boosaaso (Wararka PP) — Dowladda Maraykanka ayaa sheegatay in saldhiggeeda AFRICOM uu geystay weerar 13 Sebteembar 2025 ka dhacay Sanaag. Weerarkaas waxaa lagu beegsaday gaari uu watay Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo ahaa nabaddoon, kuna geeriyooday weerarkaas.

“Annagoo kaashanayna Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu 13 Sebteembar 2025 Taliska AFRICOM geystay weerar cirka ah oo lagu beegsaday qof Al-Shabaab hubka u iibin jiray” ayuu Taliska AFRICOM ku qoray warsaxaafadeed uu maanta soo saaray.

Waxaa socotay baaritaan dilka ku saabsan oo uu maamulka Puntland waday. Nabaddoonka ayaa dhowaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kula kulmay Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo sheegatay weerarkii lagu dilay Cumar Cabdullaahi Ibraahim appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this