Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan Boosaaso ku qaabilaya wefdi sare oo ka socda dowladda Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758174680220.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka soo laabtay safarkiisi waddanka Imaaraatiga Carbeed ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ku booqanayo askar ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad.

Madaxweynaha Puntland oo mudda 9 cisho ah joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa halkaasi kula soo kulmay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo isku dayay in ay dhex-dhexaadiyaan labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia, balse isku daygaasi uu fashil ku dhammaaday.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa markii uu ku laabto Boosaaso in uu qaabilo wefdi ka socda dowladda Maraykanka oo ay hoggaaminayaan Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Dagvin Anderson iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, oo uu kala Shirayo La-dagaallanka Argagixisada Daacish& Al-shabaab iyo qodoba kale oo muhiim ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dhawaan Boosaaso ku qaabilaya wefdi sare oo ka socda dowladda Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this