Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20250918-WA0309.jpg?resize=1000%2C66

Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo ka soo kicitimay Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe.

Mudane Xasan Shire oo kamid ah hormuudka Siyaasiyiinta Puntland, ayaa waxa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay xubno miisaan culus oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaanno, mas’uuliyiin hore, bahda dhaqanka, ururrada Bulshada, Haweenka, Dhalinyarada iyo dadweyne isaga yimid dhammaan xaafadaha Garoowe.

Intaaasi kaddib, mudane Xasan Shire oo khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo duruufta bulsho ee ka jirta degaannada Puntland, gaar ahaanna go’doonka dhaqaale ee shacabka Puntland wajahayaan, oo uu sabab u tahay go’aankii xukuumadda Deni ku xannibtay mashaariicdii heer Federaal.

Wuxuu sheegay in dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland ay hawlgab noqdeen, oo aysan jirin hal mid oo shaqa ka socoto, islamarkaana shaqaalihii iyo ciidamadii Puntland xuquuq la’aan yihiin in ka badan lix bilood, taasi oo keentay in ciidamadu waddooyinka xirtaan oo xannibaan gaadiidkii canshuur-bixiyaasha ahaa, kaddib markii ay xuquuqdoodii ka waayeen xukuumadda Deni.

“Waxaad ogtihiin maamulkii dowliga ahaa iyo hay’adihii dowladdu meeshay marayaan iyo siday yihiin maanta hal xafiis dowladeed oo shaqeeya ma jiro Puntland, guud ahaana shaqa socota ma jirto, waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinkay isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan” ayuu yiri mudane Xasan Shire Abgaal.

Hoggaamiye Xasan Shire wuxuu sidoo kale sheegay in mashaariicda u xanniban go’aaannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni in ay sabab u noqdeen go’doon dhaqaale iyo mid nololeed oo ay wajahayaan shacabka Puntland, taasi oo dhibbane u noqday siyaasad-xumo iyo maamul-xumo, isagoo xusay in hadda kaddib madaxweyne Deni lagu la xisaabtamayo arrintaasi.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Siyaasi Xasan Shire Abgaal oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this