Sign in to follow this  
Juje

Rag qoorta looga jaray mag. Baydhabo

Recommended Posts

Juje   

Rag qoorta looga jaray mag. Baydhabo

 

Warar isa soo taraya ayaa hoosta ka xariiqaya in falaage-diimeedyada mayalka adag ee Soomaaliya ay qoorta ka jareen laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay taageerayaan dowlada Soomaaliya .

Ilo wareedyadan ayaa sheegaya in labadaani nin qoorta looga jaray deegaan u dhaw magaalada Baydhaba oo ay haystaan islaamiyiinta beeleedyada.

Mid ka mid ah falaaga diimeedyada Al-shabaab ayaa u sheegay wakalaada wararka ee AFP in raggaani qoorta ey iyaga ka jareen isla markaana ay jiraan ragg kale oo la hayo oo hadii ay ku cadaadaan dambiyada iyana surka laga jari doono .

Muqtaar C/laahi oo walaalo la ah mid ka mid ah wiilasha qoorta laga jaray ayaa sheegay in muddo ay waaysanaayeen wiilkooda balse ey iminka ka war heleen in la dilay .

Falaago diimeedyada Al-shabaab ayaa u sheegay Muqtaar in walaalkii uu tageerayay dowlada Soomaaliya ee uu hoagankeedu hayo wadaad diimeedka qunyar socodka ah ee sheekh shariif lagana abaal mariyay falkaasi .

Al-shabaab ayaa qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ka fuliya xukuno ku aadan rabitaankooda iyaga oo ku andacoonaya dhanka diinta .

 

Jaabir C/Gani

jaabirc@yahoo.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bisinka.

 

Horey waan u iri, haddana waa ku celinaa: Cabsi ayee rabaan inay xoog dadka ku maamulaan.

 

Horeyna waa u qoray, haddana mar kale aan qoro: Amar taagleen, dadka ka cabsiin, argagaxisnimo will not work in Soomaalis. Soon or later meel ma gaarayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxan ay soo qoraan somali websites .. wax la aamini karo maha.

 

the man writes this garbage falaage-diimeedyada mayalka adag and expects to be taken serously as an objective source of news.

 

midkasta website laba xaraf ku soo xariiqa wuxuu iska dhigaa weriye .. what a shame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geellka, kamoon. Warkaan waa jiraa. It happens all the time, even tan haddee run ahayn tan, which is an actual run. Qoorta la iska goynaayo iyo waxaas waa jirtaa. Waajid ayee ka dhacday a few weeks ago. My own hooyo was there then.

 

Their beheadings included an elder man who fought in '77 war against Xabashis. He lost a leg during -- and might have sacrificed his -- that national struggle.

 

His crime? Their allegation against him being 'jaajuus' for dowladda. Whatever that meant. Maxkamad la isma saaraayo, dacwo ma jirto. Nothing.

 

Wey sameyaan, kamana xishoodaan waxaan iyo wax la mid ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this