Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu ku saabsan yahay safarka deg dega ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku gaaray Qaahira?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qeybgalka shirweynaha degdegga ah ee ay isugu imaanayaan dalalka Islaamka iyo Carabta.

Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Doha ayaa diiradda lagu saarayaa weerarkii dhawaan ay Yahuuddu ka geysteen gudaha Qadar, arrintaasi si weyn walaac uga abuurtay waddamada Islaamka iyo Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirweynaha, isaga oo uga hadli doona mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda hadda taagan iyo baahida loo qabo mideynta codka dalalka Islaamka si looga jawaabo dhacdooyinka foosha xun ee ka dhashay weerarka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this