Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo mamnuucay cayda madaxda iyo isku dirka qabiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar lagu mamnuucay cayda iyo aflagaadada madaxda dalka, isku dirka qabiillada, iyo baahinta sawirrada ama muuqaallada suurad xumaynaya qaranimada.

Sidoo kale waxaa amarka uu Boolisku soo saaray lagu mamnuucay isticmaalka dareeska ciidamada, gaar ahaan dadka aan ka tirsanayn xoogagga ammaanka ama u xiranaya xafladaha iyo munaasabadaha gaarka ah.

tallaabadana ayaa qayb ka ah dadaallada looga hortagayo ku xadgudubka madaxda iyo hadallada kicinta iyo isku dir ah, waxayna Boolisku sheegeen in qof kasta oo jebiya amaradan laga qaadi doono tallaabo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono maxkamad si loo mariyo caddaaladda.

Dhowaan ayay ahayd markii Booliska Soomaaliya, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaleey uu xabsiga u taxaabay dhallinyaro lagu eedeeyay inay aflagaadeeyeen madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this