Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xaqiijisay in 3 gantaal lagu dhuftay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757776847705-copy.webp

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa faah-faahin hordhaca ah ka bixiyay baaritaanka ay wadaan ee ku aadan duqeyntii shalay lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag.

Booliska ayaa sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday aagga degaanka Jiicaanyo oo ka tirsan degmada Ceelbuh, isla markaana lala beegsaday gaari uu watay Nabadoonka oo xilligaas kusoo jeeday dhanka degmada Badhan.

Sarkaal sare oo u hadlay Booliska ayaa sheegay in marxuumka uu kaligiisa saarnaa baabuurka, isla markaana ay goobta ugu tageen isagii iyo gaarigii oo isku basbeelay.

“Meeha waxaan ugu tegnay gaarigii iyo maydka marxuumka oo burbur wayn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karno inay yihiin xubno bani’aadan aanay ku jirin. Baaris hordhaca ah oo ay sameeyeen ciidamada Boolisku waxaa la ogaaday in marxuumka oo watay gaari uu ahaa kaligii, una socday degmada Badhan” ayuu yiri saraalka Booliska.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in diyaarad dagaal ay duqeysay baabuurka, isla markaana ay marxuumka la heshay saddex gantaal, balse ma shaacin dalka laga leeyahay diyaaradda.

“Duqeyntaas oo ay arkayeen dadka deegaanka oo xoolo dhaqato ah waxay ahayd diyaarad la beegsatay saddex gantaal gaariga Nabadoonka Cumar Cabdullaahi Cabdi. Nabadoonku beryahaan wuxuu ku sugnaa Badhan, Ceelbuh iyo Boosaaso oo uu qayb ka ahaa odayaashii ka qayb-galay shirkii dowladda ee lagaga hadlayay horumrinta Sanaag” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli baaristu ay sii socoto, isla markaana natiijada kama dambeysta ah ay dib ka shaacin doonaan.

Dhinaca kale Cali Cabdullaahi Cabdioo la dhashay marxuumka ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa, cid kalena lama socon, weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo. Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM, kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weerarro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad.

Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday, maadaama walaalkiis uu sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan, taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this