Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka socda deegaanka Raaskambooni?

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidamada.jpg

Raaskambooni (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland, gaar ahaan qaybta ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa howl-gal ballaaran ka wada deegaanka Raaskambooni.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah ciidamadu uga sameeyeen dhulka howd ah ee hoos yimaada deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka oo ay fuliyeen cutubka Hanqadh ayaa ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla Raaskambooni. Intii lagu guda jiray, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo lagu tuhunsan yahay in ay halkaasi kaga tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamada sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa in laga hortago weerarro qorsheysan oo kooxdaasi ku doonayeen inay ku qaadaan saldhigyada ciidamada iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Sirdoonka Qaranka ayaa si joogto ah uga waday howlgallo amni xaqiijin ah deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Hoggaanka ciidamada ayaa ku tilmaamay howl-galadan kuwo hordhac u ah qorshayaal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana muujinaya go’aanka Jubbaland ee ku aaddan in gebi ahaanba la ciribtiro khatarta Al-Shabaab loona sugo nabadda shacabka.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this