Deeq A. Posted 3 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir ay dalalka Carabta iyo Islaamka ay kaga hadlayaan weerarkii ay dhawaan Israel ka fulisay magaalada Dooxa ee dalkaasi. Weerarkan oo Israel ku beegsatay madax sare oo ka tirsan ururka dhaq-dhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa imanaya kadib markii Trump uu digniin u diray kooxda wada-xaajoodka ee Xamaas, xilli uu ku riixayay xabbad-joojin cusub. Mareykanka ayaa si isdaba joog ah ugu eedeeyay Xamaas inay carqaladeyneyso wada-xaajoodyada. Dhanka kale, Israel ayaa lagu eedeeyay inay dhowr jeer hakisay wada-hadallada. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka dhanka cirka ah ee ay ciidamada Israel ka fuliyeen gudaha magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo ay ka dhalatay xaalad adag. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in falkaasi ay u aragto mid gar-darro ah oo si toos ah uga hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, maadaama ay waxyeelo gaartay guryo ay daganaayeen dad rayid ah. Sidoo kale wasaaradda ayaa walaac xooggan ka muujisay saameynta weerarradan ay ku yeelan karaan xasilloonida gobolka Khaliijka, maadaama ay abuureen xiisado horleh. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaas khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamim Bin Hamad Al Thani oo uga tacsiyeeyay weerarka ay Israel ka geysatay magaalada Dooxa, isaga oo u caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu garab taagan tahay Qatar, difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda qaranka. Weerarka kaddib, Xamaas waxay sheegtay in kuwa la beegsaday ay ka doodayeen soo jeedintii ugu dambeysay ee Trump. Kooxda waxay intaas ku dartay in weerarku “uu xaqiijinayo, shaki la’aan, in Netanyahu iyo xukuumaddiisu aysan doonayn in la gaaro wax heshiis ah ayna si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha jira ayna carqaladeeyaan dadaallada caalamiga ah.” Share this post Link to post Share on other sites