Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho la sii ogyahay natiijadeeda oo maanta ka dhacaysa magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757487129603.jpg?resize=1000%2C6

Doorashadii guddoonka ururka Al-Gabbal oo ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta ka qabsoonto magaalada Garoowe.

Is-marin-waa ka taagnaa qabsoomidda doorashada ururkan ayaa Todobaadkan la xalliyay, kaddib markii duqa Caasimadda Garoowe, Geeddi Tuurre oo si KMG ah u hayay xilkan uu isku dayay in uu dib u dhig ku sameeyo doorashada, balse isku daygaasi laga diiday.

Doorashadan oo noqon lahayd tartan adag ayaa waxa samaynteedii hoos u dhigay, kaddib markii Madaxtooyada Puntland oo soo fara-gelisay, islamarkaana tartankii ka reebtay guddoomiyaasha saddex degmo oo raadinayay in ay qabtaan hoggaanka ururka al-Gabbal, kuwaasi oo lagu qanciyay in ay doorashada ka tanaasulaan.

Guddoomiyaasha degmooyinka Boosaaso, Qardho iyo Dhahar ayay Madaxtooyada Puntland si cad uga dalbatay in ay tartanka ka haraan, islamarkaana u tanaasulaan duqa caasimadda Garoowe oo hadda si KMG ah u haya xilkan, si mar kale maanta loogu doorto guddoomiyaha rasmiga ah ee ururka Al-Gabbal.

Tan ayaa ka dhigan in la sii saadaalin karo natiijada doorashada guddoonka ururka Al-Gabbal oo uu ku soo baxayo maayirka Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre, maadaama laga reebay tartamayaal culus oo doorashada ka dhigi lahaa mid adag.

PUNTLAND POST

The post Doorasho la sii ogyahay natiijadeeda oo maanta ka dhacaysa magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this