Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasadda Qadar ee ‘Wan Buuran Badhi Saar’

Recommended Posts

Deeq A.   
1000061641-1.jpg?resize=1000%2C1190&ssl=Wan Maraykan ah oo calanka Qadar harsanaya.

Dooxa (Faallo) — Shalay diyaaradaha dagaalka Israa’iil waxay duqeeyeen Dooxa, caasimadda Qadar. Waxay beegsanayeen hoggaamiyayaal sarsare ee Xamaas. Dooxa waxaa ka socday shir ku saabsan xabbadjoojin ka dhacda Gaza. Waa yaab in Israa’iil weerartay dal Maraykanku ku leeyahay saldhig militari iyo in difaaca cirka Qadar ogaan waayay weerarka. Waa xaalad bannaanka soo dhigtay sida dalalka Qaliijku ugu nugul yihiin weerarro kaga iman kara Israa’iil.

Dhowaan Amiirka Qadar wuxuu diyaarad joogta 400 milyan doollar hadiyad u siiyay Madaxweynaha Maraykanka. Wuxuu kale oo ballanqaaday in Qadar bixin doonto 500 bilyan doollar oo ay ku maalgelin doonto shirkadaha Maraykanka.

IMG-20250910-WA0006.jpg?resize=818%2C137Haddiyaddii Amiirka Qadar uu siiyay Madaxweyne Donald Trump sanadkan.

Hadiyadda Qadar ay siisay madaxweyne Trump iyo ballanqaadka maalgelineed midna kama hortagin in Israa’iil shalay weerar gardarro ah ku soo qaaday Qadar.

Hadiyad iyo lacag loo ballanqaado dal kaa weyn oo kaa hanti-badan waxay Soomaalidu u taqaannaa wan buuran badhi saar. Wan badhidiisa weyn maarayn la’ haddii badhi kale la saaro kama filan kartid mahadcelin.

1000061652.jpg?resize=682%2C749&ssl=1Amiir Tamiim Bin Hamad: “Raadaarka Qadar wuu ogaan waayay diyaaradaha Israa’iil oo isticmaalay hub cusub.” 1000061653.jpg?resize=1000%2C776&ssl=1Diyaaradaha Qadar iyo Israa’iil oo sanadkan dhoollatus ciidan ka wada qeybgalay.

Dalalka ka mid ah Golaha Iskaashiga Qaliijku waxay maanta qirsan yihiin in ku tiirsanaantooda Maraykanka aysan ka difaaci karin weerarro kaga iman kara Israa’iil oo doonaysa inay hor istaagto soo bixista dal ay dadka Falastiin leeyihiin.

Maalgelinta sayniska iyo difaaca lacagaha ku bixi kara waxay aad uga yar yihiin lacagaha dowladaha Qaliijku ku bixiyaan sasabashada Maraykanka. Amiirka Qadar Tamiim Bin Hamad wuxuu sheegay “in raadaarku ogaan waayay diyaaradaha Israa’iil oo ay isticmaaleen hub cusub”, hubkaas oo Qadar lagu tijaabiyay inkastoo labada dal ay dhoollatus ka wada qeybgaleen sanadkan horraantiisii. 

© Puntland Post, 2025

The post Siyaasadda Qadar ee ‘Wan Buuran Badhi Saar’ appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this