Sign in to follow this  
Deeq A.

Baallade: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta qabtay keydkii dawooyinka kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1757600175833.jpg?resize=1000%2C6

Ciidanka difaaca Puntland oo maanta weerar laba jiho ah ka fuliyay togga Baallade ayaa gacanta ku dhigay keydkii dawooyinka iyo agabka Caafimaadk ee kooxda Daacish ku lahayd degaanka Lugta Tirciil oo ka tirsan togga Baallade.

Taliska Ciidanka PMPF oo warkan soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland oo fuliyay hawlgal laba jiho ah ay  la wareegeen saldhigyo difaac adag ka samaysan oo kooxda Daacish ku lahayd Lugta Tirciil ee togga Baallade, halkaasi oo ay ka heleen keydkii dawooyinka iyo agabka caafimaadka ee kooxda.

“Ciidanka Difaaca Puntland oo weerar labbo jiho ah ku qaatay Talisyada kooxda Daacish ee Lugta Tirciil ayaa la wareegay gacan ku haynta talisyadaas, sidoo kalena ciidanku kooxda Daacish ka qabteen mid ka mid ah kaydadkooda Daawada iyo Agabka Caafimaadka” ayuu u dhignaa warkan ka soo baxay Taliska  PMPF oo kamid ah ciidamada difaaca Puntland.

“Halyeeyada Ciidanka Difaaca Puntland oo ku guda-jira dhamaadka wajjiga 4aad ee Hawlgalka Hilaac ayaa si dardar leh ku wada duulanka kooxda Daacish lagaga sifeynaayo Togga Baallade ee Buuraleyda Calmiskaad, waxa ayna ciidanku Habeen iyo Maalinba fulliyaan hawgallo qorsheysan oo lagu bartilmaad u ah goobaha tirada yar ee kooxda Daacish kaga hartay Buuraleyda Calmiskaad” ayuu sii raaciyay Warkaasi.

FB_IMG_1757600188554.jpg?resize=1000%2C7 FB_IMG_1757600179634.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757600198663.jpg?resize=1000%2C6 FB_IMG_1757600183884.jpg?resize=452%2C46 FB_IMG_1757600192354.jpg?resize=1000%2C6

PUNTLAND POST

The post Baallade: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta qabtay keydkii dawooyinka kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this