Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar: ‘Waa nala khiyaamay’. Israa’iil: ‘Haddii aysan Qatar talaabo qaadin annaga ayaa qaadayna’

Recommended Posts

Deeq A.   

10446700-8ed2-11f0-ab93-37cf315271db.jpg

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga digay Qatar Arbacadii in ay waajib ku tahay in ay ” erido mas’uuliyiinta Xamaas ama ay cadaaladda hor keento”.

“Waxaan leeyahay Qatar iyo dhammaan dalalka ay gabaadka ka dhigtaan argagaxisada: waa in aad ka saartaan ama aad hor keentaan sharciga, haddii kale innagaa sidaa sameyn doonna,” ayuu Netanyahu ku yiri muuqaal laga sii daayay xafiiskiisa.

Dhankiisa ayaa wasiirka gaashaandhigga Israel Katz wuxuu yiri, “Siyaasadda amniga Israa’iil waa caddahay: gacanta dheer ee Israa’iil waxay talaabo ka qaadi doontaa cadawgeeda meel kasta, ma jirto meel ay ku dhuuntaan.” Waxa uu intaa ku daray in haddii madaxda Xamaas ay aqbali waayaan Shuruudaha Israa’iil ee ku aaddan soo afjaridda dagaalka, oo ay ugu horreeyaan sii deynta dhammaan la haystayaasha iyo in hub ka dhigis, in la baabi’in doono, Gazana waa la burburin doonaa,” ayuu yiri.

Qatar: Waa nala khiyaamay
Qatar ayaa Netanyahu uga jawaabtay war qoraal ah oo si adag u qoran oo soo baxay subaxnimadii hore ee Khamiista, waxayna cambaareysay hadalkii Netanyahu ee ahaa in dalka uu martigelinayo xafiiska Xamaas, oo ay ku sifeysay “ka fiirsi la’aan”.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna yiri “Ma hayo erayo aan ku muujiyo sida aan uga xunahay weerarkan, waa argagaxiso dowladeed, waa nala khiyaanay

 

Qatar waxa ay sharaxday in “Netanyahu uu isku dayayo in uu wiiqo fursad kasta oo xasilooni lagu heli karo iyo fursad kasta oo nabadeed,” ka dib weerarkii “bareerka ahaa” ee uu ku qaaday hogaamiyayaasha Xamaas ee Dooxa. Waxa ay sidoo kale xustay in si cad loo og yahay in madaxda Qatar ay kulamo la qaateen madaxda Xamaas, taasoo qeyb ka ah doorka Qatar ee dhex dhexaadinta colaada ka taagan bariga dhexe.

Doha waxay sharaxday in “wax walba oo ku saabsan kulanka ay si fiican u garanayaan Israa’iiliyiinta iyo Maraykanku, ma ahan wax aan qarineyno. Qiil loogama dhigi karo argagixiso ayaad marti galisaan”.

Dhankeeda, Xamaas ayaa xaqiijisay badqabka hogaamiyayaasheeda iyo ergada wada xaajoodka, kuwaas oo lala beegsaday duqaymaha Israa’iil ee magaalada Dooxa Talaadadii. Dhaqdhaqaaqa ayaa weerarka ku tilmaamay isku day “khiyaano ah”, “dambi aad u fool xun, iyo xad gudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah”. Waxay xustay in lix qof la dilay, oo uu ku jiro wiil uu dhalay mid ka mid ah hogaamiyayaasheeda sare iyo madaxa wada xaajoodka Khalil al-Xayya, agaasimihii xafiiskiisa, saddex saaxiibbadiis ah, iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Qatar oo geeridiisa Qatar xaqiijisay.

Xarunta la duqeeyey

Reuters

Hadal aan caadi ahayn oo xasaasi ah ayuu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku muujiyay sida uu uga xun yahay weerarka Israa’iil ay ku qaadday caasimadda Qatar ee Dooxa, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan ururka Xamaas, xilli uu warfidiyeenada kula hadlayay Washington, inkastoo uu ku nuuxnuuxsaday in “ciribtirka Xamaas ay tahay hadaf mudan in la raadiyo”.

Trump ayaa horay ugu adkeystay in Israa’iil aysan siinin ogeysiis ku filan ka hor inta aysan weerarin si ay Qatar uga digto ka hor inta aysan goori goor tahay.

Weerarkan ayaa dhaleeceyn xooggan waxay uga timid Dooxa oo martigelineysa saldhig weyn oo militariga Mareykanku leeyahay, iyadoo Masar iyo Mareykanka ay dhexdhexaadinayaan Israa’iil iyo Xamaas dagaalka ba’an ee 23-ka bilood ka socda Qaza.

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed bin Cabdulraxmaan Al Thani, ayaa sheegay in waddankiisu “xaq u leeyahay inuu ka jawaabo” uuna qaadi doono dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu uga jawaabo.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa isku dayay in uu qiil ka bixiyo duqeymaha Arbacadii, isagoo yiri, “Weerarka ma ahayn mid Qatar ku wajahan, balse wuxuu ahaa mid loola dan lahaa Xamaas.”

Waxa uu intaa ku daray oo uu ku daray war-saxaafadeedka: “Mar walba kama shaqayno danaha Maraykanka, waanu la shaqaynaa, waxayna na siiyaan taageero muuqata, taas waanu ka mahad celinaynaa, laakiin mararka qaarkood waxaanu qaadanaa go’aanno, kadibna waxaan ku wargelinaa Maraykanka”.

Qatar oo dib u qiimaynaysa kaalinteeda wadahadallada

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisa uu dib u eegayo ka qayb galka dhexdhexaadinta ee wadahadalka xabad joojinta ee Qaza ka dib markii Israa’iil ay weerartay.

Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Thani ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay CNN, isagoo ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu “waqti luminayo oo kaliya”.

Al Thani waxa uu intaa ku daray in Dooxa ay “dib u qiimaynayso wax walba” oo la xiriira doorka ay ku leedahay wadahadalada xabad joojinta mustaqbalka, ayna Washington kala yeelanayso “wadahadal aad u faahfaahsan” sidii hore loogu socon lahaa.

Weerarka Dooxa iyo sii deynta la haysteyaasha

Al Thani ayaa sheegay in weerarka Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay hogaamiyayaasha Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa uu burburiyay fursadihii lagu sii deyn lahaa la haystayaasha Qaza, wuxuuna ku baaqay in cadaalada la horkeeno Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Waxay ila tahay wixii uu Netanyahu sameeyay shalay inuu baabi’iyay rajo kasta oo laga qabay la haystayaashan,” ayuu raaciyay.

Qatar ayaa aheyd dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee dagaalka socday ku dhawaad labo sano, waxaana ra’iisul wasaaraha uu ku tilmaamay joogitaanka Xamaas ee Dooxa mid muuqda.

Al Thani ayaa sheegay in uu la kulmay mid ka mid ah qoysaska la haystayaasha subaxnimadii Talaadada ee Israa’iil ay beegsatay mas’uuliyiinta Xamaas ee dalkiisa, isaga oo sharraxay in “qoysasku ay ku tiirsan yihiin dhexdhexaadintan oo aysan rajo kale ka qabin.”

Dhankiisa safiirka Israa’iil u fadhiya Maraykanka Yehiel Leiter ayaa u sheegay Fox News in haddii Israa’iil aysan ku dilin hogaamiyayaasha Xamaas duqeynta cirka ah ee ay ku qaadeen Qatar Talaadadii, ay guulaysan doonto marka xigta.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this