Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiyadda Dhaqaale oo Fure u ah Iskaashigga Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

14-3-768x681-1-300x266.jpg

Booqashada Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, uu ku tagay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, iyo booqashadiisi gaarka ahayd ee Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa waxay muujinaysaa jihada cusub ee ay Xukuumadda Somaliland higsanayso ee ku salaysan Diblomaasiyad dhaqaale oo xooggan iyo xidhiidh ganacsi oo sii fidaya. Kulanka uu la yeeshay Safiirka Somaliland ee Itoobiya, Amb. Aadan Geedi Qayaad, waxa uu xambaarsanaa farriin cad oo ahayd mid muujinaysa in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid dan-wadaag ah oo sal adag ku fadhiya.

Itoobiya oo ah waddan muhiim u ah Somaliland marka la eego juqraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo istaraatiijiyad ahaanba, waxa xoojinta iskaashiga labada dal noqon karaa fure lagu gaadho horumar dhaqaale oo waara. Kulankan ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta ganacsiga iyo kor u qaadista doorka safaaraddu ay ku leedahay horumarinta danaha dhaqaale ee Somaliland.
Diblomaasiyadda casriga ah waxay ka baxday xudduudaha siyaasadda oo kaliya, waxayna si dhab ah ugu adeegtaa horumarinta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga, iyo iskaashiga ganacsiga. Waa arrin la bogaadinayo in wasaaradihii hore loogu yiqiin arrimaha siyaasadda oo kaliya ay hadda si dhow ula shaqeeyaan wasaaradaha dhaqaalaha si loo gaadho hadaf qaran oo midaysan.
Wasiirka iyo weftigiisa oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, waxay muujinayaan sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in ay hawlgeliso dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed si ay uga shaqeeyaan danaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dalxiiska iyo fursadaha maalgashi ee gobolka.
Waxay booqashadani noqonaysaa mid iftiiminaysa dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in Somaliland ka hesho summad dhaqaale iyo mid maalgashi oo kor u qaadda kobaca gudaha iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this