Sign in to follow this  
Deeq A.

MASAR oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib furitaanka biyo-xireenka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
RTS31D2J-scaled.jpg

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa durbadii qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan furitaanka biya xireenka Itoobiya ee wabiga Nile, iyada oo dacwo culus ka gudbisay Addis Ababa.

Masar ayaa dacwadeeda u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay inuu halis yahay furitaanka biya xireenka wabiga Nile ee ay maanta ku dhaqaaqday Itoobiya.

Qaahira aya sidoo kale Addis Ababa ku eedeysay inay diiday heshiisyo caalami ah oo nidaaminayay qaybinta biyaha Nile oo ay si weyn isugu hayaan labada dowladood.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay khatar wayn ku tahay amniga biyaha iyo jiritaanka shacbiga Masar.

Waxaa kale oo ay Masar intaasi kusii dartay in aysan marnaba oggolaan doonin in xuquuqdeeda lagu xadgudbo, ayna sii wadi doonto difaaca danaha ay leedahay iyadoo adeegsanaysa hababka diblomaasiyadeed iyo sharci ee caalamiga ah.

Warqadda ay Masar u dirtay Goaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha iyo beesha caalamka looga baahan yahay in ay qaadaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo ka hortagga xiisadd cusub oo ka dhalata biyo xireenka Nile.

Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan. Sidoo kale waxay muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Waxaa kale oo ay Qaahira ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

544819426_32130808613185153_352804894266

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this