Deeq A. Posted 16 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa shaaciyay in dowladda federaalku xoogga saareyso horumarinta nidaamka socdaalka dalka. Agaasime Dhuxulow ayaa si gaar ah u tilmaamay kaalinta muuqata ee Turkiga ka qaadanayo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga. Mustaf oo wareysi siiyay wakaaladda Anadolu, ayaa sheegay in hay’addu ay fulinayso qorshayaal ballaaran oo lagu kobcinayo xirfadda shaqaalaha iyo lagu adkeynayo nidaamka amniga socdaalka, iyadoo la kaashanayo dalal saaxiib la ah Soomaaliya. Wuxuu xusay in dalal badan oo reer Yurub ahi muujiyeen diyaar u ahaanshaha iskaashi dhow, hase yeeshee Soomaaliya si gaar ah ugu baahan tahay garabka iyo taageerada Turkiga. “Waxaan si dhab ah u rajeyneynaa inay nala garab istaagaan, isla markaana na taageeraan dhanka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga,” ayuu yiri Dhuxulow, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu baasaboorku u leeyahay sumcadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka. Agaasimuhu wuxuu Turkiga ku tilmaamay dal walaal iyo saaxiib dhow, oo mar walba taagnaa garabka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in taageeradaasi sii xoogeysato. Dhuxulow ayaa carabka ku adkeeyay in la labanlaabo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada socdaalka, tababarka shaqaalaha iyo horumarinta nidaamka aqoonsiga baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ka shaqeynaysa horumarinta adeegyada socdaalka, iyadoo la sugayo amniga qaranka. Hay’adda ayaa hirgelisay nidaam casri ah oo ka hortagaya in xubnaha kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ay dalka uga bixi karin. Nidaamkan ayaa ka hortagaya in xubnaha xagjirka ah usoo duullaan Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Nidaamkan oo lagu magacaabo PISCES ayaa si rasmi ah u hirgalay saddex billood ka hor, waxaana taageertay dowladda Mareykanka, sida uu sheegay Agaasime Dhuxulow. Sidoo kale, Hay’adda ayaa dhawaan ku dhawaaqday hirgelinta adeegga e-VISA, kaas oo si rasmi ah u dhaqan-galay 1-dii bishaan. Adeeggan ayaa lagu soo dalban karo qaab elektaroonig ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee hay’adda. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektaroonigga ah. Share this post Link to post Share on other sites