Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka qeyb-galay furitaanka biyo-xireenka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
545167018_24374557922173076_233293081135

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay xaflada furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka hirgelisay wabiga Nile-ka.

Tallaabadan ayaa dhaawac siyaasadeed ku ah Soomaaliya, sidoo kalena ku lumin karta saaxiibadii la galay dagaalkii diblomaasiyadeed ee ka dhanka ahaa damicii badda ee Itoobiya, kaasi oo si cad ugu gardarootaya qarannimadeenna.

Ka qeyb-galka Soomaaliya ee dabaal-degga ayaa mugdi gelin karta saaxibtinimada istiraatiijiga ee soo jireenka aheyd ee Masar oo si weyn u diidaneyd biyo-xireenka Itoobiya.

Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan.

Sidoo kale, tallaabada uu maanta qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburineysa isbaheysigii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea looga dhawaaqay Asmara October 2024.

Isbaheysigaas ayaa si weyn loogu taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana looga hortegayay damaca Itoobiya ee Badda Cas iyo Wabiga Nile-ka.

Ma cadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku bedeshay diblomaasi ahaan isbaheysigii saddex geesoodka ahaa iyo ololihii diblomaasiyadeed ee Masar hormuudka u aheyd.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

545167018_24374557922173076_233293081135

545997918_24374557918839743_971461769842

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this