Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qiil u heshay arrintii lagu weeraray ee Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
pjimage-6.jpg

Garoowe (Caasimada Online) – Taageerada maamulka Puntland ee biyo-xireenka Itoobiya iyo dabaal-deggii habeen hore ka dhacay magaalada Garoowe ayaa hadal hayn xooggan ka dhaliyay baraha bulshada Soomaalida.

Doodaha ugu badan ayaa waxay salka ku hayeen hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxaa), oo sheegay inuu saami ku darsaday mashruuca biyo-xireenka Itoobiya.

Qaar badan ayaa u arkay in hadalkaasi ka dhigan yahay mid ka hor imanaya danaha Masar, isla markaan ay Puntland si toos ah ugu taageerayso Itoobiya oo xiisad ka dhalatay biyo-xireenka wabiga Nile-ka kala dhaxeyso Masar.

Inkasta oo Juxaa lagu dhaliilay arrintaas, haddana ma aha siyaasi la dhacsan xiriirka Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo muddooyinkii dambe soo xoogeystay. Mana cadda in saamiga uu sheegay inuu iibsaday uu macnaheedu yahay inuu si toos ah uga soo horjeedo danaha dalkaas.

Mowqifka Soomaaliya ee ku saabsan biyo-xireenka Itoobiya weli wuxuu u muuqda mid ku saleysan yahay taageerada xaqa Itoobiya u leedahay in ay ka faa’iideysato webiga Nile, inkastoo arrintaas saamayn toos ah ku yeelanayso Masar.

Sanadkii 2020-kii, Safiirkii Soomaaliya ee Addis Ababa, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay difaaceyso xuquuqda Itoobiya, isla markaana ay sababtaas u diidday qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ka soo horjeeday mashruuca biyo-xireenka ee haatan soo idlaaday.

Xilligaas Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laguma eedeyn inuu dhinac qaaday Itoobiya, inkastoo mowqifkiisu si cad u muujinayay taageerada Addis Ababa.

Marka xaqiiqda loo daadago, siyaasadda arrintan la xiriirta wax isbeddel ah kuma iman dowladihii xigay. Sanadkii 2022-kii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Eritrea ayaa mar kale taageeray qorshihii isdhex-galka dhaqaale ee Geeska Afrika oo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ku dhawaaqay 2018-kii, xilli uu booqday Muqdisho.

Haatan, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa aqbalay casuumad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu uga qeyb-galo munaasabadda loogu dabaal-degayo furitaanka biyo-xireenkeeda, taas oo qiil u noqoneysa wixii habeen hore ka dhacay Garoowe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay aheyd inay isku dheelitirto xiriirka Masar iyo Itoobiya ee uu ka dhexeeyo khilaafka siyaasadeed, ayaa u muuqata inay ku fashilmatay isku haynta labada dal, iyadoo Masar ay haatan kaalin weyn ka qaadaneyso qalabeynta ciidanka qaranka.

Si kastaba, biyo-xireenka Itoobiya oo lagu dhisay in ka badan $4 bilyan ayaa noqonaya midkii ugu weynaa ee Itoobiya laga fuliyo, iyadoo la filayo inuu soo saaro tamar koronto oo gaarta guud ahaan Itoobiya iyo dalalka deriska ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this