Sign in to follow this  
Deeq A.

NAFTU WAA NAQAS MARUUN BAY ISKA BAXDAAYE MAXAA KAA HORREEYA MASUUL

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250225-WA0015-242x300.jpg

NAFTU WAA NAQAS MARUUN BAY ISKA BAXDAAYE MAXAA KAA HORREEYA MASUUL.

Mawdku waa lama huraan waxaynu ku mashquuksannay tacab adduunyo iyo guryo qurux badan fooqyo dhaadheer iyo dumar qurux badan iwm.

Ninkaagii libaaxa ahaa ee laga jiifsanwaayay waxaad ku danbaynaysaa cad bakhtiya oo qadhmuun (mayd) laga wis wiso oo afka, sanka, dhegaha, meel kasta cudbi laga gelyo, waxa lagugu ridayaa qabrigii isla markiiba walaalahaa iyo saaxibadaa iyo qabiilkaagii manjarafado ciid ah ayay kugu boobayaan waaba lagu aasay, halkaasna lagaaga tegay, waxa yaalla camalkaagii masuuliyadii nafta ilaahay uu ku geliyay iyo waxaad ku camal fashay.

Madaxweynaha, xildhibaanka, wasiirka, taajirka, guurtida, xaasakaaga ubadkaaga dhammaan masuuliyad wixii aad ku fashay shar iyo khayr abaal marintoodii ayaa halkaas kaaga bilaabmaysa malaa’iig aan waxba illaawin ayaa shaqadoodii kaa qabsanaya oo ku siinaya camalkaagii naxariis iyo ciqaab kuu ahaaba.

Waxaan uga socdaa qormadan Kuwan laga fadhiyi waayay ee iyagoo kooxo ah dadkii isu qaybiyay, kuwii ka horreeyay ee halligmay ee uu ilaahay qabtay miyay illaaween immisaa qof is mahadiyay oo takrifalay si xun ilaahay uu u qabtay, bal dib u xusuusta sida dadka kibra ee takri fala uu ilaahay ula dhaqmo.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this