Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shaqadda ka eryay Gudoomiyihii Jaamacadda Ummadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed (PhD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kaddib markii la tixgeliyay khibradda qotada dheer ee Dr. Maxamed uu ku leeyahay dhinaca tacliinta iyo maamulka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub in uu waajibaadkiisa u guto si xilkasnimo leh, isla markaana uu door muuqda ka qaato xoojinta dadaallada socda ee lagu hormarinayo tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid ah goobaha waxbarashada ugu faca weyn dalka ayaa sanadihii u dambeeyay ku howlneyd dib u soo kabasho iyo horumarinta adeegyada tacliinta sare.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this