Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daah-furay Sanad-dugsiyeedka 2025/26

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay sanad-dugsiyeedka 2025/26, isaga oo bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin xoojinta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale lagu soo gebagebeeyey barnaamij tababar ah oo ay ka faa’iideen ku dhowaad 300 oo macallin oo ka kala yimid gobollada dalka.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in macallimiinta lagu qalabeeyo habab casri ah oo waxbarid iyo kor u qaadista tayada casharrada fasallada.Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ammaanay shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada doorka ay ka qaateen maareynta imtixaannada qaran iyo dadaalka ay ku bixiyeen in carruurta Soomaaliyeed helaan waxbarasho tayo leh oo mideysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay Guddiga Tacliinta Sare in ay xoogga saaraan tayada jaamacadaha iyo cilmi-baarista, isagoo carabka ku adkeeyay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay aqoonta iyo xirfadda dhallinyaradeeda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this