Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul taabacsanaa Villa Somalia oo eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka u jeediyay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2-scaled.jpg

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle oo kamid ah maamullada sida weyn u taabacsan Villa Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inuu istaago dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan oo muddo dheer dadka reer Hiiraan kula jireen kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku cidlaysay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka HirShabelle, Cabdi Daahir Guure Karoore oo eedeyntan u jeediyay dowladda ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda reer Hiiraan aysan dowladda dhexe ka helin taageeradii ay u baahnayeen.

Tan ayuu ku sababeeyay inay horseeday inuu hakad galo dagaalkii adkaa ee reer Hiiraan kula jireen kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa horey loogu eedeeyay inay arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsi ah uga jeesatay xoreynta dalka.

“Dowladda Fedaraalka waxay si cad u dayacday Macawiisleyda oo markii hore ciidamada dowladda ee ku sugnaa Hiiraan awood ahaan ay ku tiirsanaayeen, markii la jabayna waxay ahayd in dowladda la jabtay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay wasiirku in Macawiisleyda reer Hiiraan ay si geesinimo leh u galeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna sida qoraxda u muuqdeen guulihii ay ka gaareen dagaalka.

“Reer Hiiraan waa dad isku tashaday oo dhiig iyo maalba u huray difaaca deegaankooda, ma ahan dad caado u leh inay dawarsadaan, maanta waxay mudan yihiin taageero dhab ah oo garabkooda waxay ka waayeen dowladdii iyo dadkii kale ee Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cabdi Karoore.

Eedeynta HirShabelle ayaa imanaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab dib ula wareegtay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo naf iyo maalba loo huray xoreyntooda, balse hakadka ku yimid howl-galka uu markale kooxda u fududeeyay inay qabsato deegaanadii laga saaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this