Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo ka degay Addis Ababa + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
544832697_1320262236130520_6133660890291

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy, oo ugu horreeyo Wasiirka Dhakhliga Itoobiya, Aynalem Nigussie.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Addis Ababa uga qayb-gelaya shirka cimilada ee Afrika, wuxuuna kulan gaar ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Socdaalkan ayaa imanaya xilli hoggaanka Itoobiya uu ku cadaadinayo madaxda dowladda Soomaaliya in ay kala qeyb-galaan furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Masar, oo iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaaf siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this