Sign in to follow this  
Deeq A.

Biyo-xireenka ITOOBIYA oo maanta looga dabaal-degay gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
GERD-Itoobiya-Ethiopia.webp

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa caawa looga dabaal-degay biyo-xireenka Itoobiya ay ka sameysay Wabiga Nile-ka, kaas oo dhawaan si rasmi ah loo furayo.

Munaasabaddan loogu dabaal-degayo biyo-xireenka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe, iyadoo ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirro ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ka qeyb-galay munaasabadda loogu dabaal-degayo biyo-xireenka Itoobiya.

Muuqaallo laga soo duubay munaasabaddan ayaa muujinaya wasiirrada Puntland oo lagu casuumay cunta-dhaqameedka Itoobiyaanka, waxaana wejiyadooda ka muuqata “dhoollacadeyn” taas oo ka dhigaysa in Puntland ay si toos ah ula safatay Itoobiya.

Xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ayaa saameyn weyn ku yeelatay gobolka, iyadoo weli Dowladda Federaalka Soomaaliya u muuqato mid iska ilaalineysa ku milanka hirdanka Itoobiya iyo Masar oo labadaba ay la leedahay xiriir diblomaasiyadeed.

Puntland oo muddooyinkii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay hoggaanka Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay ku xumaynayso arrintaan xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya la leedahay Masar.

Masar ayaa iyadu qeyb ka noqotay howl-galka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta. Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay tahay inay isku dheelitirto xiriirka labada dal ee uu ka dhexeeyo khilaafka siyaasadeed, ayaa si dhow indhaha loogu hayaa sida ay u wajihi doonto arrintaan.

Si kastaba, Masar ayaa muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile.

Qaahira ayaa ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this