Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay hadalka sida weyn looga carooday ee kasoo yeeray maamulka DENI?

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxamed-Faarax-Maxamuud.webp

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud ayaa warbaahinta u mariyay hadal si weyn uga careysiiyay shacabka reer Puntland, gaar ahaan shaqaalaha rayidka ee maamulka.

Wasiirka ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in dhismaha waddooyinka ay uga muhiimsan yihiin bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

“Shaqaalaha mushaarkooda waxaa nooga muhiimsan waddooyinka (dhismaha waddooyinka),” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Arrintani waa labo shaqo oo aan isku meel marin, maadaama mushaarku yahay xuquuq aas-aasi ah oo ay xaq u leeyihiin shaqaalaha, halka waxqabadka horumarineed uu yahay waajibaad dowladda loo igmaday, balse aan loo adeegsan karin mushaarka shaqaalaha.

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyay caro xooggan, iyadoo shaqaalaha rayidka ah oo ka falceliyay ay ku tilmaameen “mid nasiib darro ah oo muujinaya heerka dulmiga ay dowladdu ku hayso shaqaalaha.”

Dhanka kale, wasiirka ayaa dafiray in wasaaradda Maaliyaddu lagu eedeeyay mushaar la’aan, isagoo ka meermeeray inuu si toos ah uga jawaabo sababta gadoodka ciidamada ee soo noqnoqday, oo salka ku haya mushaar la’aan.

Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xilli shaqaalaha maamulka Puntland aanay wax mushaar ah qaadan muddo lix bilood ah sannadkan gudihiisa, taas oo sii dheerayd gunnadii lagu jari jiray.

Gudaha maamulka Puntland ayaa bilihii dambe kusoo noqnoqday gadoodka ciidamada amniga, kuwaas oo si xoog ah u xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka iyo kastamada canshuuraha, si ay u helaan xuquuqdooda oo ugu horreysa mushaarka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this