Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliga UK- joogay 20 sano ee hadda doonaya in dib loogu celiyo dalkiisa .

Recommended Posts

Deeq A.   

8c85e57e-b8ab-47e7-8367-bc948be03efb.jpg
Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Xaamud, ayaa sheekadiisu qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dalka Ingiriika kadib markii uu dowladda ka codsaday in dalkiisa Soomaaliya dib loogu celiyo.

Yuusuf Cali Xaamud ayaa labaatan sano ka hor galay UK, si uu magangalyo uga raadsado, balse markii lagu helay dambiyo uu galay, ayaa sharcigii magangelyada lagala laabtay.

Waxa uu ku nool yahay magaalada Nuneaton oo ku taalla bartamaha Egland, waxaana uu sheegay in shantii bilood ee la soo dhaafay uu codsanayay in loo celiyo Soomaaliya, isagoo sheegay inuu weli sugayo jawaabta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska.

Waxaa igu kallifay aniga dalkaan waxaan joogaa labaatan sano, dagaal ayaan galay, sharcigii ayay iga qaateen, ” ayuu yiri Yuusuf oo BBC-da u warramay.

Yuusuf Cali ayaa sheegay in sanadkii 2003-dii 4-tii bshii September uu tagay dalka Ingiriiska, isla markaana tegistaankiisii toddobo sano kadib sharci uu ku shaqeysto la siiyay.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Uk uu ka dalbaday in sharciga la siiyo , hase yeeshee wuxuu yiri: “Qareenkeyga ayaa la xiriirtay oo farriimo u dirtay wax jawaab ahna kamaana helin,” .

Wuxuu intaa ku daray in wixii markaa ka dambeyay uu go’aansaday in dalka Soomaaliya uu ku laabto. “Haddii aanan waddanka joogi karin waxaana ku laabanayaa waddankeyga mustaqbal ayaan leeyahay, wakhtiguna wuu socdaa,” ayuu yiri.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this