Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ninka Soomaalida ee hadal-hayso ka dib markii uu dalbaday in dib loogu celiyo Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Yuusuf, kuna noolaa dalka Ingiriiska muddo 20 sano ah, ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay warbaahinta Britain kadib markii uu si cad u sheegay inuu doonayo in dib loogu celiyo dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, isaga oo ku dooday in halkaas uu ka dareemayo badbaado iyo ammaan ka badan intii uu sii joogi lahaa UK.

Yuusuf wuxuu Ingiriiska yimid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, balse nolol adag ayaa soo food saartay sanadihii dambe kadib markii laga qaaday xuquuqdiisii shaqo, taas oo timid kaddib xukun maxkamadeed oo la xiriiray weerar culus uu galay.

Tan iyo markaas, noloshiisu waxay ku koobnayd taageerada dawladda iyo hoy ku meel gaar ah oo loo dejiyay, isaga oo hadda ku nool magaalada Nuneaton ee gobolka Warwickshire.

Si kastaba, xaaladda ku xeeran dadka magangelyo-doonka ah ee Ingiriiska ayaa isa soo taraysa, dibadbaxyo iyo caro shacab ayaa ka taagan hoteellada ay dowladda ku dejiso qaxootiga, halka dareen naceyb iyo cadaadis bulsho oo sii xoogeysanayaahi uu wiiqay nolol maalmeedkooda.

Taasi waxay Yuusuf ku riixday inuu qaato go’aan lama filaan ah, kaas oo ah inuu dalbado in dib loogu celiyo Soomaaliya, inkastoo uu dalku weli wajahayo dagaallo iyo qalalaase siyaasadeed.

“Waddankani ammaan ma aha, laakiin Soomaaliya hadda waa ammaan. Waxaan rabaa inaan ku laabto dalkayga,” ayuu yiri Yuusuf, mar uu warbaahinta Sky News la hadlayay.

Wuxuu intaas ku daray in muddo shan bilood ah uu si rasmi ah codsi u dirayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK si loo musaafiriyo, balse illaa iyo hadda uusan ka helin wax jawaab ah.

Kiiskan ayaa soo baxay xilli Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu si kulul uga hadlay arrimaha socdaalka, isagoo sheegay inuu si buuxda u fahmayo walaaca shacabka ee ku saabsan dadka tahriibka ku soo gala UK iyo tirada sii kordheysa ee qaxootiga ku nool hoteellada dawladda.

Ra’iisul Wasaare Starmer wuxuu ballan qaaday inuu dedejin doono qorshaha lagu baneynayo hoteelladaas, ka hor doorashada soo socota.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Yvette Cooper ayaa baarlamaanka u sheegtay in la hakiyay codsiyada mideynta qoysaska qaxootiga, ilaa sharciyo adag oo cusub la meel mariyo, taas oo sii kordhisay cadaadiska dadka magangelyo-doonka ah ee mar horeba ku dhibbanaa UK.

Kiiska Yuusuf ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, maadaama uu jabinayo sawirka caadiga ah ee qaxootiga doonaya inay ku sii nagaadaan Ingiriiska, Halkii uu dalban lahaa joogitaan iyo taageero dheeraad ahna, Yuusuf wuxuu doorbidayaa inuu dib ugu laabto dal uu hore uga soo hayaamay, isagoo ku dooday in nolosha iyo badbaadada uu halkaas ka heli karo ka fiicnaan doonto xaaladda uu hadda ku sugan yahay ee UK.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this