Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xirtay xarun caafimaad oo ku taalla Muqdisho kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
541166965_122125526084941939_52290516423

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo caawa warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in albaabada la’isugu dhuftay xarunta Naafic Herbal oo ku taal magaalada Muqdisho, taas oo ahayd xarun loo doonan jiray adeeg caafimaad.

Golaha ayaa bayaanka ku sheegay in xaruntan ay saameysay xadgudub wayn, isla markaana khatar ku ah caafimaadka bulshda, kadibna sidaas loo xiray.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la helay caddeymo muujinayo in xarunta Naafic Herbal ay faafisay macluumaad khaldan, ayna sidoo kale sameysay xayeysiin marin habaabin ah.

Waxaa kale oo lagu eedeyay warbixinta in xarunta ay bixin jirtay adeegyo aysan u haysan shati iyo caddeyn cilmiyeed, taas oo keentay in ugu dambeyn la xiro.

“Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ayaa maanta si rasmi ah u xiray xarunta Naafic Herbal, kadib markii lagu helay caddeymo muujinaya in ay faafinayaan macluumaad khaldan oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, ayna ku hawllan yihiin xayeysiinno marinhabaabin ah, ayna bixiyaan adeegyo aysan u haysan shati iyo caddeyn cilmiyeed, sidoo kalena ay dhibaateeyeen bukaanno Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay golaha.

Sidoo kale Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa digniin u diray xarumaha kale ee caafimaad ee ku yaalla caasimada, wuxuuna uga digay inay sameeyaan xayeysiinno ka baxsan anshaxa iyo marin habaabinta bulshada Soomaaliyeed.

“GMCQ waxa uu sidoo kale digniin adag u dirayaa dhammaan xarumaha caafimaadka ee ku howlan marin habaabin ama adeegyo aan sharci ahayn” ayaa lasii raaciyay bayaanka

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Goluhu wuxuu mar kale xaqiijinayaa inay ka go’an tahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo hubinta in dhammaan adeegyada caafimaad ee dalka ay waafaqsan yihiin sharciga iyo anshaxa mihnadeed ee dalka”.

540984193_122125525004941939_72678684146

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this