Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muqdisho oo maanta lagu gubay daroogadii ugu badnayd

Recommended Posts

Deeq A.   
20250902_213245_Facebook.webp

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku gubay maandooriye halis ah oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kadib amar kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Booliska, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in la gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howl-galka lagu bartilmaameedsaday shabakado ku lug lahaa soo dejinta maandooriyaha, oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa intaas ku daray in daroogadaasi ay leedahay saameyn caafimaad oo halis ah, sida cudurrada Kansarka, isla markaana uga digay ganacsatada in bulshada lagu halligo maandooriye sharci darro ah.

Dhanka kale, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, Cabdirashiid Ismaaciil Nuur ayaa sheegay in gubitaanka lagu fuliyey habraaca sharciga, isagoo sheegay in gacanta lagu hayo dadkii daroogada soo dejiyey.

Mas’uulkan ayaa xusay in dadkaas la horgeyn doono cadaaladda si loogu qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.

Xeer-ilaalinta ayaa waxay bulshada iyo ganacsatada si cad ugu wargelisay in aan la cafin doonin cid kasta oo ku lug yeelata ganacsiga maandooriyaha, iyadoo ku baaqday in dhalinyarada laga ilaaliyo khatarta daroogada.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this