Deeq A. Posted 13 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka farxiyay Caa’isha Aadan Ugaas oo ah gabadhii sanadkan kaalinta 1-aad ka gashay imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiyada sare dalka, kaas oo ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Duqa Muqdisho ayaa kafaalo-qaad nololeed iyo taageero mustaqbal waxbarasho ah ugu yaboohay Caa’isha, oo ku guuleysatay kaalinta koowaad, kadib dadaal ay sameysay. Muungaab oo maanta la kulmay Caa’isha Aadan Ugaas iyo hooyadeed ayaa u fidiyay deeq waxbarasho oo dhammaystiran oo dalka gudihiisa lagu bixinayo, abaal-marin lacageed, billad sharaf iyo kafaalo-qaad nololeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay qayb ka tahay taageerada dhalinyarada Soomaaliyeed, si loogu garab istaago halganka adag ee ay ku jiraan. “Waxa aan dhiirigelinayaa dedaalka iyo dhabar-adaygga Caa’isha iyo ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha. Waxaa naga go’an in aan taageerno sidii loo horumarin lahaa nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha u halgamaya waxbarashada” ayuu yiri guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab. Guddoomiyaha maamulka Gobolka ayaa sidoo kale xusay in guusha Caa’isha Aadanay tahay tusaale dhiirrigelin u ah bulshada, gaar ahaan gabdhaha, isla markaana ay muhiim tahay in la siiyo fursado ay ku horumariyaan xirfadooda iyo noloshooda mustaqbalka. Dhankooda Caa’isha Aadan Ugaas iyo hooyadeed Nadiifa Axmed Rooble oo kulanka hadlay ayaa iyaguna ka mahadceliyey taageerada iyo deeqda waxbarasho ee uu ugu yaboohay Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho. Caa’isha oo ah gabar da’yar ah, kuna soo kortay agoonimo ayaa taageero wayn heshay, kadib markii ay kusoo baxday kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah, waxaana horay loo guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan, si loogu dhiirogeliyo waxbarshada. Share this post Link to post Share on other sites