Deeq A. Posted 12 hours ago Mandheere (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah ciidanka Jubbaand ee firxadka ku galay gudaha dalka Kenya ayaa maanta ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay isugu soo baxeen shacab kasoo horjeedo ciidankaasi. Dadweynaha dibad-baxa dhigay ayaa dalbaday in si deg-deg ah ciidamada Jubbaland looga saaro gudaha deegaanka, iyaga oo ku eedeeyay inay dhibaato ka gaysteen halkaasi. Sidoo kale dibad-baxayaasha oo watay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “Murkomen ha iscasilo”, ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay halis gelisay madax-bannaanida dalka, ayna ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandheera. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in joogitaanka ciidamada Jubaland ee ka talaabay xadka ay sii kordhiyeen xiisadaha ka jira halkaasi, ayna ka cabsi qabaan dagaallo horleh. “Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliska iyo militarigeenna la hareer mariyay?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Mandheera ayaa wajahayay xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha magaaladaasi Ciidankan ayaa ka baxay magaalada Beledxaawo kadib markii ay dagaal uga soo saareen ciidanka dowladda federaalka oo haatan ku sugan magaaladaasi, waxaana weli ay ku sugan yihiin xaalad adag, taas oo keentay inay galaan dhibaatooyin horleh oo ku haysta Kenya. Si kastaba, Kenya oo saaxiib dhaw la’ah Jubbaland ayaa haddane ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac. Share this post Link to post Share on other sites