Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan oo xannibay gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Screenshot-2023-08-13-013205.jpg?resize=

Ciidan ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa saaka xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, gaar ahaan inta u dhexaysa degaannada Laag iyo Karin ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda magaalada Boosaaso.

Ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo isbaaro dhigtay laamiga, islamarkaana joojiyay isu socodkik gaadiidka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbanayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah.

Saraakiil ka tirsan kuwa hoggaaminaya ciidankan gadoodsan ayaa sheegay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso mushaaraadka ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen oo aysan furi doonin ilaa laga siiyo xuquuqdooda.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo mushaar la’aan ka gadoodsan oo xannibay gaadiidkii xamuulka siday ee ka yimid dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this