Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo laamaha Amniga Kenya ka dalbatay in ay qabtaan eedaysane lala xiriiriyay Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
7f97d3cb-4e38-42a2-a230-df55be4d207b_w10Cabdiwahaab SH. Cabdisamad

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka dalbaday laamaha Ammaanka dalka Kenya in ay qabtaan oo baaris ku sameeyaan Cabdiwahaab Shiikh Cabdisamad oo ku eedaysan in uu taageeray Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

“Waxaan odhan lahaa laamaha amaanka ee Kenya in ay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu daacish u taageeray waayo? caalamku wuxuu isku raacsanyahay in daacish tahay argagixiso caalami ah Qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwanina si isku mid ah ayey maxkamadaynkaraan.”

“Sida aan ka warqabno dhawrjeer bay Dawladda Kenya su’aalo ka waydiisay xagjirnimadiisa, hada denbiga uu galay waa ku cadyahay waa in laamaha amaanka Kenya qabtaan oo maxkamad geeyaan, si mushtamacu uga nabadgalo aragtiyaha argagaxisonimo ee uu aaminsanyahay” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

“Macquul maaha qof xagjir ahi in uu Macalin u noqdo dhalinta mustaqbalka dalka kenya, kuwa buuraha calmiskaad ciidamada Difaaca Puntland ku laayeen ee asal ahaan kenya ka soo jeeda laga yaabee in isagu soo tashkiiliyey. Dr Abdiwahab fal deniyeed buu faraha kula jiraa-Dr cabdi wahaab wuxuu ka shaqeeyaa safaarada suudaan ee dalka kenya, wuxuu wax ku bartay suudaan dadka suudaan wax ku bartay in badan oo ka mid ahi waxay qayb ka yihiin aragtiyada xagjirnimada ah ee aaminsan  in xukuumadaha xoog lagu bedelo waa kuwii nidaamkii maxaakiimta ee soomaaliya” ayuu Caydiid Dirir sii raaciyay

“Ninkani waa xagjir basaas ah oo Dawladda suudaan u shaqeeyaa, macquul maaha qof aragti caafimaadqabta ama aqoonyahan ahi in uu dhiiga Ciidamad Difaaca Puntland ku tilmaamo waa xayeysiis loo samaynayo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ninkani wuxuu duulaan ku yahay nabda iyo xasiloonida dunida gaar ahaan xasiloonida geeska Africa” ayuu wasiir Caydiid ku geba-gabeeyay qoraalkiisa.

Jawaabtan ayaa timid kaddib markii dhawaan Cabdiwahaab SH. Cabdisamad wareysi uu bixiyay ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto Daacish uu yahay xaysiis loo samaynayo Siciid Deni oo ay riixayaan dalal Shisheeye, islamarkaana dafiray in Daacish dhab ah ku jirto buuraha Calmiskaad ee Puntlans, waxaana hadalkiisa ka dhashay falcelin xooggan.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo laamaha Amniga Kenya ka dalbatay in ay qabtaan eedaysane lala xiriiriyay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this